Injineeradii dhismaha ka waday wadada isku xirta xamar iyo afgooye oo qarax lala beegsaday

0
107

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka Magaalada muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay Ciidamada toogteen, markii uu ku dhawaaday Goob ay ku sugnaayeen Injineerada Turkiga & Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka mid kamid ah Injineerada Turkiga uu ku dhaawacmay.