Gudoomiye Mursal oo awoodi waayey inuu difaaco wexey somalida ku heshiisay oo ah 4.5

0
101

Dhawaan ayey eheyd kolkii lagu dhawaaqay gudlaha wasiirada xukuumada federaalka somaliya taasoo aad moodey in la hareer marey qaab qeybsigii ay soomalidu ku heshiisay oo ahaa 4.5.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal oo mar walba fadhiyey halkii lagu qeybsanayey kuraasta golaha wasiirda cusub ayaa awoodi waayey in uu difaaco wexey soomali oo dhan ku heshiisay inay wax ku qeybsadaan.

Sida aan wada ognahay shacabka reer Digil iyo Mirifle waxaa ay horey ugu dulmanaayeen qaab qeybsiga Safaarahada, Qunsulada, Taliyeyaasha ciidamada, Darajada saraakiisha, Maantana waxaa loogu darey in lagu dulmiyo golaha wasiirda taasoo aad moodo in aan sinaba loogu tix gelin shacabka Digil iyo Mirifle inay helaan xaqii ay ku lahaayeen qaab qeybsiga siyaasada dalka.

Siyaasiyinta horboodaya shacab Digil iyo Mirifle ayaa ah kuwo aan marnaba ka shaqeyn inay ilaayaan qoondada ay leeyihiin shacabka ay sheegtaan inay metelaan, Maanta hadii aad dib u eegtaan dhamaan beelaha kale wey hestaan qoodadoodii, Haweenka u dooda xuquuqda haweenka wey heystaan qoodadoodii hadii ay waayaana waakuwa mar walba u dooda sidey ku heli lahaayeen xaqooda maxaa u diidey siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle inay sidaasi si la’eg ugu doodaan xuquuqda ka maqan.

Maxamed Mursaloow taariikhda ayaa ku qori doonta maanta hadaad raali ka tahay in Digil iyo Mirifle ugu hooseeyo beelaha oo dhan Cabdi weli Muudeey oo ku xigeenkada ahna kaa tiro badsado hal wasiiru dowlo oo dheeri ah loogu daro, sidoo kale daarood, hawiye iyo dir horey u haysteen tiro dheeraad ah waa kuu ayaandaro in aad dadka ku metasho siyaasad xukumida ku eg danta qaaska ah.

Somaliya xisbi wax laguma qeybsan reer ayaa wax lagu qeybsadey hadeydaan difaaci karin qaab qeybsiga reereed ee 4.5 waqtiga dadka haka luminina shacabka digil iyomiriflena haku ridina hog aysan beri kasoo bixin karin.