Maxkamada ciidmada qalabka-sida oo xukuno kala duwan ku ridey ragii loo heystey weerarkii xabsiga dhexe

0
65

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar, kaasoo dhacay 10-kii bishii August ee 2020-ka.

Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyey illaa 11 eedeysane oo isugu jiro ciidamada Asluubta, xunkusanayaal iyo gar-sugayaal lala xariiryey weerarkaasi oo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuro iyo bistoolada ay heleen qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta gudaha xabsigaasi ee ku eedeysnaa falalka argagixisanimo.

Hey’adaha Baarista ciidamada amniga iyo guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi xukummadda ayaa ugu dambeyn waxa ku wareejiyeen gungaarka dhacdada xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida oo awood u leh dhaqaajinta gal-dacwadeedkaas.

Kadib heerar kala duwan oo maxkamadeed iyo baaritaanno muddo dheer qaatay maanta ayey Maxamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay eedeysanayaasha:-

1-Mubaarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi ciidan ah, halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta ahaa ay Maxkamaddu dambi ku weyday.