Reysulwasaare Rooble oo Xalay Kormeerey Qaar Ka Tirsan Wadooyinka Magalada Muqdisho

0
70

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.