Doorashada Maraykanka maxaa laga filan karaa yaase ku guulaysan kara??

0
98

Wax ka yar 2 toddobaad ayaa ka hartay doorashada sida wayn loo sugayo inay ka dhacdo dalka maraykanka.

Dalka Maraykanka oo lagu tiriyo inuu yahay dalka dunida ugu wanaagsan marka loo eego haykalka dowladnimo iyo sidoo kale shuruucda siyaasadda u degsan ayaa wuxuu wajahayaa sanadkani doorasho aan wax badan xiiso loo qabin lana saadaalin karin.

Dalkani ayaa inta badan lagu xantaa inuusan nasiib u yeelan inay hogaan unoqdaan mas’uuliyiin fahamka siyaasadda ku xeel dheer taasi bedelkeedana habka doorashada dimuqraadiga ahi dartiisa inta badan ay guushu raacdo madax aanan lagu tirinin kuwa ugu fiican ee la heli karo.

Doorashada fooda nagu soo haysa ayaanan wax badan ka duwanayn aragtidaasi maadaama 4ta xubnood oo kala matalaya labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuurigaba ay yihiin kuwa kala daran haystana dhibaatooyin kala duduwan.

Haddaba maxa laga filan karaa hadii xisbiga Jamhuuriga ahi ee Trump iyo Pence ay hogaaminayaan uu guulaysto?

Trump oo ku caan baxay qof aanan lahayn aqoon siyaasad haba ugu yaraatee luuqadda siyaasadda xitaa fahamsanayn ayaa waxa ku wehlinaya doorashada Pence oo ku xigeenkiisa ah ayagoo matalaya xisbiga jamhuuriga ahi.

Trump iyo xisbigiisa waxay ku guulaysteen intii ay xilka hayeen inay shaqooyin badan u abuuraan dadka Maraykanka u dhashay inkasto waddanku daymaha lagu lahaa ay sare u kaceen isla waqtigaasi, wuxu sidoo kale baabi’iyay ObamaCare kaasoo malaayiin Maraykan ahi caafimaad la’aan dhigay. Sidoo kale maamulka Trump wuxuu ku guulaystay inuu wax heshiis u eg la gaaro KimJongUn, sidoo kalena wuxuu wax badan la saftay waddamada muslimiinta sunniga ahi asigoo cadowtooyadiisa u wareejiyay dhanka Iran. Trump dagaal dhaqaale uu la bilaabay dalka China ayaa ilaa iyo hadda bartanka ugu jiraan dadka Maraykanka kaasoo natiijadiisa xun ay dareemayaan inta badan dadka.

Haddaba waxaa laga filan karaa haddi Trump iyo xisbigiisa ay mar labaad soo laabtaan;

In Maraykanku uu Iran weerar cad mise mid dadban uu ku qaado, In dagaalka China ay kula jiraan uu xargaha goosto, In wada shaqaynta iyo saaxiibtinimada dalka Rushka uu xoojiyo,
Inuu sii kala furfuro waddamada ku midoobay midowga Yurub, In waddamo badan oo carbeed uu ku qasbo la heshiinta Israel, In NorthKorea heshiis buuxa la gaaraan, In malaayiin kale oo Maraykan ahi caafimaadkii bilaashka ahi ay waayaan.

Haddaba sidoo kale haddii #Biden iyo xisbigiisa dimuqraadiga ah ay guulaystaan maxaa laga filan karaa?

Biden oo musharax u ah xisbiga dimuqraadiga ayaa ah nin ka da’ wayn Trump kana waaya aragsan dhanka siyaasadda. Laakiin Biden ayaa dhibaato badan ka haysta dhanka hadalka oo uusan ku fiicnayn iyo sidoo kale ilowsho aad u daran taaso mar mar ku qasabta inuu halmaamo wuxu maanta ku qadeeyay waxaana loo aanaynayaa dawooyin daroogo badan ku jirto oo uu isticmaalo. Kamala oo ku xigeenkiisa ah ayaa ka hadal wanaagsan laakiin ayadana waa qof fudfudud si sahal ahna offsides badan ku gasha.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga dimuqraadiga oo ay labadaba matalaan ayaa ku caan ah inuu yahay DILAA AAMUSAN (Silent killer) marka loo eego siyaasaddooda ay kula dhaqmaan dadka muslimiinta ahi. Waxaa inta badan la diiwaan galiyay in hadalada iyo ficillada xisbiga dimuqraadiga ahi ay aad ukala fog yihiin. Waxay u isticmaalaan hadallada jilicsan inay ku marin habaabiyaan ra’yul caamka halka dhanka hoosena ficillo bahalnimo ay kula dhaqmaan dadka muslimiinta ahi iyo sidoo kale dadka midabka kale lehba.

Haddaba waxa laga filan karaa haddii ay xisbiga dimuqraadiga ahi ay guulaystaan;

In shaqooyinka dadka Maraykanka ahi ay hoos u dhacaan,
Inay u fasaxaan dadka soo galootiga ahi dalka Maraykanka,
Inay xoojiyaan oo ay dib usoo celiyaan ObamaCare kaasoo malaayiin Maraykan faqiir ahi siin doono caafimaad bilaash ahi, Inay xoojiyaan colaadda ka dhaxaysa muslimiinta sunniga iyo Shiicada ahi ee caalamka ayagoo taageero dhan waliba siinaya dalalka u janjeera dhanka Shiicada,
Inay heshiis la gaaraan China, Inay colaad ka dhex abuuraan Maraykanka iyo Rushka, Inay laalaan heshiiski halka lug ku taagnaa ee maraykanka iyo waqooyiga Korea, Inay bilaabaan duqaymo ay ka gaystaan dalal badan oo muslimiin ahi waayo siyaasaddooda ayaa ku dhisan inaan la arkin dhul muslim ahi oo deggan.

Saadaasha Doorashada;

Inkastoo ay adag tahay in la saadaaliyo natiijada doorashadani sababo farsamo aawadood ayaa haddana la filaya inay noqon doonto mid lagu kala badiyo wax yar (Close margins).

45 million qofood ayaa ilaa iyo maanta codkooda dhiibtay kol hore, hadii dad ka badan kuwii 2016 codeeyay ay isku soo baxaan waxa la rajaynayaa in xisbiga dimuqraadiga ahi oo #Biden matalaya ay guulaystaan.

Sidoo kale hadii tirada dadka codkooda dhiibanaya ay ka yaraadaan mise la ekaadaan kuwii 2016, musuqmaasuq badan oo laga baqayana uusan dhicin Trump iyo xisbigiisa ayay guushu raaci doontaa!

Saadaashayda;

Inkasto aysan gacan sisheeye ka marnayn doorashadani oo maanta ugu dambaysay la qabtay weerar systemka doorashada Marykanka ay kusoo qaadeen dowladaha #Ruushka iyo #Iran ayaa haddana waxan saadaalinaya in Trump uu si dirqi ahi kusoo bixi doono laakiin aragaane!!

Mohamed Yonis Moalim
mhassan143@hotmail.com