Ciidamada Dowlada oo Alshabab Kala Wareegay Deegaano Ku Yaala Duleedka Magalada Dhuusamareeb

0
89

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa ay Maanta weerar ku qaadeen deegaanada labi dule iyo sina dhaqo, kuwaas oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal xogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada labi dule iyo sina dhaqo, waxaana Saraakiisha howlgalka Ciidamada hoggaamineysay ay sheegeen inay Ciidamada la wareegeen deegaanada labi dule iyo sina dhaqo ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Guutada 15aad e qeybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa sheegay in Ciidamada ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkaas Al-Shabaab, isla markaana ay si wanaagsan u sugayaan Amniga degaannadii ay la wareegeen.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay kaag sugan yihiin gobolada Mudug & Galgaduud ee Maamulka Galmudug.