Ciidamada dowlada oo weerar ku diley xubno ka tirsan alshabaab

0
77

Wararka laga helayo gobollada Shabeelooyinka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeeleha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Weerarka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu khaariyey 6 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga.

Sidoo kale sarakaashiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaciyey in xubnaha la dilay uu ku jiro horjooge ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo ay magaciisa ku sheegeen, Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman).

Saraakiisha u hadashay ciidamada Danab ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkaasi uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ee gobollada Shabeelooyinka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.