Waa Maxay Xiriirka 3 Geesoodka ah ee Ka Dhexeeya Dowlada, NISA iyo Qadar

0
299

Dowlada Qadar ayaa waxaa markii ugu horeysay la shaaciyay inay ku dhex milantay siyaasada dalka Soomaaliya oo markeedii horaba ismaandhaaf gaaray gacan ka hadal uu dilooday,Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya ayaa ku waramay in Dowlada Qadar ay maalgeliso kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab halka sidoo kalena ay dowlada Qadar ayba ku dhex milantay howlaha Hay’ada Nabadsugida Qaran Soomalliya ee (NISA)oo iyadu ah hay’ad si qarsoodi ah ula fal gasha howlaha sirdoon ee kasocda gudaha Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika walow eedaymahaasi ay gees iska dhigto dowlada Qadar ayaa hadana Agaasimihii hore ee(NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo yaqaan Shanbalolshe oo ka hadlay xiriirka Alshabaab iyo dowlada Qadar ayaa ku waramay inuu xiriirka labada dhinac uu gaarsiisan yahay meel aad u fog isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii dowlada Qatar ku lahayd sii dayntii Silvia Romano oo ahayd Shaqaale Gargaar oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo kooxda AlShabaab gacanta ku haysay in ka badan 18 bilood oo markii danbe lagu sii daayay heshiis sirdoonka dowlada Qadar ka shaqayay oo kooxda Xagjirka ah ee AlShabaab lagu siiyay lacag cadaan ah oo qiimaheeda lagu sheegay ilaa 3 Milyan oo doolarka dalka Mareykanka ah,Agaasimihii hore ee(NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowlada Qatar ay madaxfurashada ay AlShabaab ka qaadato dadka ay afduubato ayba tahay wado ay dowlada Qadar dhaqaale ku siinayso kooxda AlShabaab “Xiriir adag ayay dowlada Qadar la leedahay Al-Shabaab,Xiriirkaasina waxay u adeegsanaysay inay ku caawiso koox si loogu abuuro dakhli dhaqaale,Abuurista dhaqaalahana inta badan waxaa loo maraa madax furashooyinka laga qaado dadka ay kooxda soo qafaalato”.

“Qatar waxay xiriir dheer la laheyd Al-Shabaab muddo aad u dheer, taasoo laga dheehan karo sanadihii ugu dambeeyay dhacdooyin badan oo labada dhinac(Qadar iyo Shabaab) ka wada shaqeeyeen oo dhamaantoodaha kooxda dhinaca dhaqaalaha looga dhisayay”ayuu Cabdullaahi Shanbalooshi u sheegay TV-ga Al-Arabia, isaga oo intaas ku daray” Madaxfurashadu waa wadada ugu weyn ee loo maro si dhaqaale loogu sameeyo kooxda isla markaana kafaala qaada heshiisyada madax furashada si loogu sameeyo miisaaniyad iyaga loogu talo galay. Taageero lacageed ka sokow, wuxuu xusay in dowlada Qadar laga filayo inay gacan ka geysato sidii kooxda al-Qaacida ku xiran ee AlShabaab gacan looga siin lahaa inay yeelato Awood dhinaca sirdoonka ah iyo weliba taageero xagga saadka ah hubka ah, kuwaasoo muhiim u ah hawlgallada casriga ah ee loo adeegsanayo kooxda Shabaab Gudaha iyo Dibaddaba dalka Soomaaliya.

Silvia, oo 25-jir ah, oo si iskeed ah u qaadatay diinta Islaamka, ayaa dib ugu soo noqotay dalkeedii Talyaaniga iyadoo mudo ay u Afduubnayd kooxdan AlShabaab waxaana Rome ku soo dhoweeyay hoggaamiyeyaasha sare ee dalkeeda oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare Giuseppe Conte, oo Afduubkii lagu haystay Silvia ku sheegay inuu ahaa mid aad u ‘cabsi badan’

Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo dhaweyno Silvia,Dhibaataynta samafalayaasho naga hor joogsan mayso in aan caawino kuwa caawinaada u baahay waqtigan oo kale ”ayuu yiri,Giuseppe Conte,Isaga oo iftiiminaya adkeysiga ay Silvia u yeelatay mudadii 18-ka bilood ahayd ee ay ku jirtay gacanta kooxda xagjirka ah ee Shabaab, Isaga oo aan shaaca ka qaadin heshiiska madaxfurashada ahaa ee laga galay sii dayntii Silvia. Conte wuxuu amaanay kaalintii sirdoonka ee sida hagar la’aanta ah uga shaqeeyay sidii looga badbaadin lahaa Silvia gacmaha argagixisada oo si macna darada ah ugu jirtay halka Wakiilka Sirdoonka ee dowlada Turkiga MIT oo si dhow ula shaqeeyay kuwa dowlada Qatar ayaa lagu amaanay kaalintii ay ku lahaayeen in Silvia ay dib xoriyadeeda u hesho.

Weerarada kooxda Al-Shabaab gaysanayso ayaa waxaa mararka qaar ay ku beegsadaan shaqaalaha wadamada Qadar iyo Turkiga ee ku sugan Soomaaliya walow hadana uu aad u muuqdo inuu jiro xiriir wada shaqeyneyd oo ay wada leeyihiin kooxda Shabaab iyo Sirdoonada wadamada Qadar iyo Turkiga.

Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa waxa ay yihiin dowladaha ugu badan ee ka taageera dowlada Soomaaliya xagga dhaqaalaha iyo horumarka walow dhanka kale hadana labadan dowladood waa Turkiga iyo Qadar lagu eedeeyo inay ka Munaafuqaynayaan xiriirada ay laka leeyihiin labada dhinac ee isaga soo horjeeda siyaasada dalka Soomaaliya oo kala ah dowlada Soomaaliya iyo Shabaab,Agaasimihii hore ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sheegay, in kooxda Shabaab ay fulisay weerarro ay ugu hiilineyso Qatar si ay u hesho dhaqaale maaliyadeed isla markaana loo muujiyo gacanta ay dowladaha Khaliijku ku leeyihiin arimaha Soomaaliya, Dowlada Mareykanka oo in ku dhow afartan sano ay isku dayo badan oo lagu furdaaminaayo xaalada murugsan ee Soomaaliya ku howlaneed ayaa aaminsan in Madaxfurashadu kaligeed ayan ahayn wadada ay dhaqaalaha ka sameeyaan Shabaab balse ay jiraan wadooyin kale oo dhaqaale ku helaan Shabaabku walow Madaxfurashadu tahay fursad sahlan oo ay lacag badan ku sameeyaan.

Ka sakow Madaxfurashada Kooxda Shabaab ay ku qaadato dadka ay soo qafaalato ayaa waxaa iyana jira weeraro ay kooxda u gaysaneyso danaha dowlada Qatar iyo Ganacsatada leh dhaqaalaha waaweyn, ”ayuu yiri madaxii hore ee NISA, Marka laga soo tago xogaha sheegaaya in dowlada Qadar ay ku milantay maamulka NISA iyo Shabaab isla markaana ay u kala dulaasho Shabaab iyo dadka Madaxfurashada loo qabsado iyo Dowladahooda ayaa waxaa iyana jira ayuu yiri Cabdullaahi Shanbalooshi, Mas’uuliyiinta u qaabilsan Shabaab ururinta Zakawaatka ayaa waxaa la arkaa iyada oo Ganacsatada ka ururinaayo lacagta Zakawaatka iyada oo mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladuna ay indhaha ka eegayaan oo aan waxba ka qabanayn ayuu yiri.

Kooxda Shabaab ayaa ku arurisa magaca Zakawaat sanadkiiba lacag kor u dhaafaysa 400 Milyan oo Dolarka Mareykanka ah taasi oo ay ku maalgeliso howl galada ay ka fulisa gudaha dalka Soomaaliya iyo soohdinta dalka Kenya “Al-Shabaab waxay uruursadaan $ 400 milyan sanadkiiba.

Qeyb weyn oo ka mid ah lacagtaan ayaa ku timaada qaab baad ah oo loo dhigayo sida canshuuraha waxaana laga qaadaa Ganacsatada iyo Dadka deggan magaalada Muqdisho, iyadoo waqti loo astaynaayo saraakiisha dowladda ee sida qarsoodiga ah ula shaqeeya Al-Shabaab, ”ayuu raaciyay. . Eedeymaha ku aadan inuu Iskaashi dhow uu ka dhexeeyo Al-Shabaab iyo Saraakiisha sarsare ee dawladda Soomaaliya ayaa imanaya laba bilood uun ka dib markii Ganacsato reer Muqdisho ah ay walaac ka muujiyeen dhaqaalaha faraha badan ee ay labada dhinacba(Shabaab iyo Dowlada) ka qaadaan ganacsigooda kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nairobi.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxay si joogto ah u diidanaayeen in uu jiro xiriir hoose oo wada shaqeyneed ee ka dhexeeya dowlada Qadar iyo Shabaab sidoo kalena Shabaab iyo dowlada Soomaaliya iyagoo sidoo kalena ay ku andacoon jireen in kuwa arimaha noocan ah baafinaayo ay yihiin kuwa saluugsan xiriirika wanaagsan ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo kan Qatar halka warbixino badana oo ay soo saareen ilo kala gedisana ay tibaaxayaan in uu jiro xiriir Dhaqaale,Milatary,Siyaasad iyo weliba wadashaqeyn ka dhexeysa sedexdan dhinac(Dowlada Qadar, Shabaab iyo Dowlada Soomaaliya).

Xigasho Al Arabia