Dab Xaley Ka Kacay Suuqa Degmada Walaweyn

0
85

Dab aad u xoogan oo geystey qaraaso khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Suuqa Hoose ee degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhegan Kaalinta.

Dadka ku nool degmada Walanweyn iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ayaa waxaa ay sameeyeen dadaal farabadan oo lagu deminaayay dabka, maadaama degmada aysan laheyn wax dab demis ah.

Dabkan ayaa sida la sheegay in uu geystey qasaaro nafeed iyo weliba mid hantiyeed sida ay inoogu warameen dad halkaasi ku sugnaa aya ainoo sheegay in uu ku dhintey hal qof halka ay ku bur bureen ilaa iyo 3 dukaan oo ku dhawaan kaalinta shidaalka gubatey.

Guud ahaan dalka somaaliya ayaan inta badan laheyn baabuurta dab demiska taasi ayaa keenta in hadii uu dab dhoco in inta badan dabka uu iskiis u damo kolka uu waayo meelo kale uu qabsado.