Xisbiga Wadajir oo Dhaliilay Howlaha Maamul u Dhisida Hirshabeele

0
76

Xisbiga Wadajir oo kamid ah Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka kajira, hoggaamiyahana ka yahay C/raxmaan Cabdi Sahkuur ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray hawlaha maamul u dhisida Hir-Shabeelle oo dhawaan la filayo in uu galo doorasho diyaar garoowgeeda lagu jiro.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu baaqay in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha deegaanka inta aan maamulka la dhisin, iyadoo si simana looga qaybgeliyo beelaha iyo saamilayda siyaasadeed dhismaha maamulka iyo dib u heshiisiinta.