Waa Maxay Sababta Loo Dayacay Degmada Afgooye oo Loogu Gurman Waayey

0
149

Halheyska inta badan ay isticmaalaan kuwa isku sheega inay yihiin siyaasiiyiin somaaliyeed ayaa ah in somalidu ay tahay mid qura oo aysan jirin somali kale, Balse markaad aragto qaab dhaqankooda waxaa kuu soo baxaya in arintaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Sida aad ka war qabtaan marka ay masiibooyin ka dhacaan dalka ama ha noqoto tii ka dhacdey Beledweyne ama tii Qardho ama tan maanta ka taagan degmada afgooye waxaad arkeysaa in si kala duwan loo dhaqmey deegaanadu ay fatahaadu ka dhaceen. waxaad arkeysaa in deegaanada ku hadlay afka Maxaaga loo deg degay sidii wax loogu qaban lahaa shacabka ay waxyeeladu soo gaarte halka deegaanada kale laga caga jiidayo in wax loo qabto iska daayee xataa lagama hadlo.

Hadii aad fiirsataan fatahaadii ka dacdey Magalada Beledweyne waxaad arkeysaa in dhamaan siyaasiyiinta iyo weliba maamul goboleedyada oo dhan marka lagu daro Somaliland ay si wadajir ah ugu istaageen sidii loogu gurman lahaa dadka ay dhibaatada kasoo gaartey fatahaada, Sidaasi si la mid ah waxaa loogu gurmadey fatahaadii ka dhacdey Magalada Qardha oo ay ayaduna dad badan waxyeelo ka soo gaareen fatahada suaasha u baahan in la isweydiiyo waxay tahay maxaa diiday in shacabka Degmada Afgooye loogu gurmado sidaasi si la mid ah?.

Jawaabtu waxaan filayaa inay iska cadahay oo aysan u baahneyn in la is weydiiyo maxaa yeelay dulmiga iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Maayland gaar ahaan kuwa reer shabelaha hoose ma aha kuwo cusub waa kuwo waqti badan soo socdey oo la damacsan yahay in lagu barakiciyo dadka barakici waayey ee ku nool gobolkaas asaga ah.

Gobolka shabelaha hoose masiibooyinka ku dhacay ha noqoto mid rabaani ah oo xaq ala ka yimid iyo mid ay maleegayaan kuwo ka shaqeyna sidey deegaankaasi ula wareegi lahaayeen, Sidaad la socotaan gobolka shabelaha hoose 30kii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu heystey qori hadana waxaa lagu heystaa qalin, Dad badan ayaa horey deegaanadooda looga soo barakiciyey oo maanta ku nool xerooyinka barakacayaasha ee magalada muqdisho ha noqoto kuwo ay soo barakiciyeen alshabab ama kuwo ay soo barakiciyeen maleeshiyo beeleedka ku labisan dharka dowlada.

Fatahaadan iyo masiibadan rabaaniga ah ee aad arkeysaan waxa xukuumada ugu daawatey shacabka degmada afgooye asna waxaa uu qeyb ka yahay barakicinta dadban ee ay maleegayaan dadka danaha gaarka ah ka leh gobolka shebalaha hoose, sababtoo ah fatahaadan waxaa ay dhacay isbuucii hore maxaa keenay in xukuumada isbuucan ka jawaabto welina uga jawaabto si dabacsan.

Isku soo wada duub wax walba ee dhaca uma dhacaan sabab la,aan sababta ugu weyn ee gobolka u dayacan yahay ayaa waxaa ay tahay, Siyaasiyiintoda oo aan dhafsisaneyn calooshooda kana baqa inay ka hadlaan dhibaatada lagu haya shacabka ay matalaan, Odayaashooda dhaqanka oo ayaga noqdey kuwo joogitaanka magalada muqdisho ku bedeshay ka hadalka dhibaatada taala gobolka.

Reer Maayland isku tasho ma jirto cid kuu maqan ama ceel kuu qodon, kuwa aad siyaasiyin ku tilmaameysaan waa kuwii idiin hortaagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay mana jirto wax ay idiin qabteen, kuwa aad odey dhaqameed ku tilmaameysaana waa kuwii idin soo hortaagnaa tan iyo maalintaad dhalateen mana jirto wax dan ah oo ay u hayaan shacabka reer Maayland oo ku dhibaateysan guud ahaan daafaha dalka somaliya meeshay doonto ha noqoto.

Daafeet Media