Akhriso: Warmurtiyeed Kasoo Baxay Shirkii Dhuusamareeb

0
53

Waxaa Caawa Warmuriyeed ka kooban laba bog laga soo saaray Shirkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kassoo looga hadlay Arrimaha doorashooyinka, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Warmurtiyeedka oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa ugu muhiimsan in la isku raacay in la sameeyo Guddiyo sii amba qaada wada-hadallada si go’aan looga gaaro nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa ku jira in muddo laba todobaad gudahood ah shir kale la isugu yimaado Magaalada Dhuusamareeb si loo dhameystiro geedi-socodka doorashooyinka dalka.