Shariif Xasan oo Ka Shaqeyna Burburka Koonfur Galbeed Isagoo Adeegsana Odayaal Dhuuniga Hogaan u Ah.

3
75

Shariif Xasan ayaa beryahan waxaa uu magalada baydhabo ka wadaa olele aad u balaaran oo uu ku kala furfuraayo shacabka Digil iyo Mirifle ” Qeybi oo Xukun” isagoo reer reer dadka u kala saaraya si danaha uu leeyahay uga gaaro, Shariifka ayaa waxaa uu amar ku siiyey kooxaha ku xiran ee la shaqeeya iney abaabul tagaan isla markaana dhaqan geliyaan fikirkaas ruuxii sameyn wayana daaqada laga saari doono.

Dhanka kale Shariifka ayaa arimahan u adeegsanaya odaydhaqameeyo in mudo ahba meel ugu xareysnaa kuwaasoo oo beryahan dambe bilabay iney reer reer dadka intey dadka isugu yeeraan ka dhaadhicinaya in reerkaasi uu mar kale doorto Shariif Xassan taasoo ah nasiib daro hor leh oo usoo hooyatey shacabka koonfur galbeed.

Maaalintii shaley ayey eheyn kolkii Malaaq Xasan Shuroow oo waxoogaa shilimaad ah intuu kasoo qaatay Shariif Xasan isugu yeeray belaha 9 ee Mirifle si ay u taageeraan isla markaana u doortaan mar labaad Shariif Xasan, Ayadoo isla markaana malaaqu uu ku amrey xildhibanada beelaha sagaal iney doortaan Shariif Xasan xildhibaankii dooran waayana shaqo laga qaban doono. Halkan ka hegeyso hanjabaadii Malaaq Shurow. 

Waxaa jira warar kale oo maanta soo baxay oo sheegaya in Malaaq Deerow oo isna ka mid ah malaaqyada u xareysan Shariif Xasan in uu shir isugu yeeray beelaha 8 si uu isna uga dhaadhiciyo fikirka qalafsan ee uu shariif doonayo in uu ku kala furfuro beelaha ku dhaqan deeganada koonfur galbeed isla markaana u xukumo mar kale.

Waxaa kaloo ayana weli bananka is keenin laba odey dhaqameed oo in mudo ah u xareysnaa Shariif Xasan oo kala ah Ugaas Nuur Shaakow iyo Suldaan Xeydar labadaas odey dhaqameed ayaa ayagana looga fadhiyaa iney soo xara geliyaan isla markaana ka dhaadhiciyaan xildhibanada beelaha digil iney mar labaad doortaan Shariif Xasan.

Si kastaba arintu ha ahatee waxaa ayaan daro ah in 4 sano oo mugdi ah oo ay soo mareen shacabka koonfur galbeed in maanta odeyaashii la rabey iney la xisaabtamaan Shariif Xasan intey waxoogaa shilimaad ah intey ka qaateen u ololeynaya si uu mar kale ugu soo noqdo maamulkaasi, Ayagoo ku mar marsiyoonaya in beelaha digil iyo mirifle ay ayaga faraha isugula tegi doonaan hadii Shariifka meesha ka boxo taasoo ah arin aan waxba ka jirin oo uu shariif kasoo dhaadhiciyey.

3 COMMENTS

  1. Malaqyo baahan oo Sharifka meel ugu xareysan waa in aan warkooda la dhagesan malaqyadan waa in la helaa cid masrufta waa baahan yihiin waa in bahidooda ls dabola quasatan malaq Derow

Comments are closed.