Dowlada Federaalka Somaliya oo La Safatay Dalka Sacuudiga Edeyna Usoo Jeedisay Dalka Canada

0
28

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa markii ugu horeysay ka hadley khilaafka soo kala dhex galay dalalka Canada iyo Sacuudiga.

Qoraal Afka Carabiga lagu daabacay oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya Soomaaliya si dhaw ula socto xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo kordhay xiriirka dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka soo horjeedo faragalin lagu sameeyay arrimaha gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa Canada ku eedeysay faragalin ay ku heyso arrimaha gudaha Sacuudiga iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.