Kulanka Madasha Amniga Qaran oo La Filayo In Maanta oo Khamiis Ah Lasoo Gabagabeeyo

0
53

Maanta oo Khamiis ah waxaa la filayaa in lagu soo gaba gabeeyo shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka furmey magalada muqdisho 6-dii bishan, kaasi oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Madaxda ka qeyb gashay shirkan ayaa waxey ka wada hadleen hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020, Dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka, Xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Shirka oo shalay uu maalinkiisa labaad ahaa ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Xubnaha Arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyada oo sidoo kale shirkan looga dooday arrimaha amniga oo diirada lagu saaray sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa warbaahinta u sheegay shirka in maanta la soo gaba gabeynayo, lagana soo saarayo war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin Madaxda ka qeyb gashay.