Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Shaley Kulan La Qaatey Safiirka Imaaraadka

0
43

Madaxweynaha DowladaFederaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Arbacadii shaley kulan gaar ah la qaatey safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sidii loo xoojin lahaa, iyo sidii Imaaraadka uu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Imaaraadka iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal in uu yahay mid soo jireen ah.

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, ayaa dhankiisa Madaxweyne (Farmaajo) uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in Abu Dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.