Qaraxyo Maanta Ka Dhacay Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari

0
53

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in goor dhaw oo maanta ah halkaasi ka dhaceen Qaraxyo is xig xigay oo sababay khasaare dhimasho.

Hal Askari ayaa ku dhintay Qaraxyada sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo dhinaca amniga ah.

Weerarrada maanta ayaa xigay weerar kale oo loo adeegsaday bambooyin iyo rasaas oo xalay maleeshiyaad ay ku qaadeen saldhigga booliiska ee magaalada Boosaaso kaasoo ay 3 askari ku dhaawacmeen

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga Puntland oo ka hadlaya weerarada is xigxigay ee xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.