Ciidamada Nabadsugida Iyo Boliiska oo Xaley Howlgalo Ka Fuliyey Degmada Hodon

0
42

Ciidmaada Amaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay inta badan xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay si gaar u fuliyeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 400 qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa rag, una badnaa dhalinyaro.

Dadka la soo qabqabtay ayaa intooda badan laga soo kaxeeyay guryahooda, waxaana dhamaantood la isugu geeyay Barxad ku taalla gudaha degmada, iyada oo qaarkood la weydiinayay in ay wataan aqoonsiyo iyo in xaafada ay degaan ku yihiin.

Ciidamada ayaa sii daayay dadkii ay ku soo qabteen Howlgalka, marka laga reebo shaqsiyaad dhowr ah oo loo kaxeeyay xarumaha baarista, si su’aalo kale oo dheeraad ah loo weydiiyo.