Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Fariin u Direy Dadka Wadooyinka Dhisanaya

0
51

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadka doonaya in ay dhacaan hantidda danta guud ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay ku raad jooggaan dadka dhisanaya Wadooyinka Wadajir iyo sidoo kale Dharkeenley, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tilaabo culus.

Gudoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir aysan aqbali doonin in dhulalka danta guud ay dan gaar ah u isticmaalaan Shaqsiyaad.

Gudoomiye Yariisow