Dulmiga Mirifle Ma Haday kusoo Baraarugeen Digileydii Shabelaha hoose?!

5
248

Waxaan inaba muran ka taagneyn Walaaltinimada inta ku abtirsata Qawmiyada Digil iyo Mirifle,Iyadoo aan taasi hoosta ka xariiqayno ayaa hadana dhanka kale waxaa jira Dulmi cad oo beesha Mirifle ay kula kacayeen 50kii Sanadood ee lasoo dhaafay Walaalahood Digil.

Dulmigan beesha Mirifle ay caadaysatay ayaa ah mid aan geed loogu soo gaban iyadoo waqtiyada qaarna aadba la kulmaysid Malaaqyada,Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta beesha Mirifle oo u qiil dayanaaya Dulmiga ay falayaan.

Waxaa la joogaa wakhti xasaasi ah oo ay beesha Caalamku dadaal badan ku bixinayso sidii dhibtan 27tan Sano jirsatay loo soo afmeeri lahaa Shacabka Soomaaliyeedna loo samatabixin lahaa iyadoo sidoo kalena howlaha socdo ay qayb ka yihiin beelaha Soomaaliyeed,Maamul deegaanada ay beeluhu dhacaan(Dowlad Goboleedyada) iyo Dowlada Fedraalka.

Dadaalada baaxada leh ee lagu bixinaayo howlaha socda ayaa waxaa hubaal ah in aan looga maarmin dhibta dhacday in laga garaawo lagana cadaalad falo si horey loogu sii socdo iyadoo loo maraayo wadada dib u heshiisiinta hayeeshee taa bedelkeeda waxaa weli aad u muuqda in ay jiraan Kooxo,Beelo iyo Maamulo weli u ooman Dhiiga ummadda isla markaana Cadaalad daridu u tahay CADAALA!

Hadaba bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan inta degta Gobolka Shabeelaha hoose oo ka falcelinaysa Dulmiga 50 jirsaday ee lagu hayo ayaa Todobaadkii tagay waxaa magaalada Muqdihso caasimada Ummadda Soomaaliyeed kulan ku yeeshay Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta,Waxgaradka,Qurbajoogta iyo dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose waxayna kulankooda Diirada ku saareen dhibaatooyinka hada ka jira gobolka oo bixinaaya muuqaal ah in gobolku uu haatan Isticmaar ugu jiro beelo Soomaaliyeed sidaa daraadeedana aan xiligan laga maarmin in lagu dhawaaqo Dib u Xoreyn loo dhan yahay oo lagu qaado Sokeeye iyo Shisheeye inta Dulmiga gobolka ka jira qaybta ka ah.

Dabcan sida aan kor kusoo xusnay dhibta gobolku waa ay 50 sano jirtasay hayeeshee tan maanta taagan ayaa u eg in aan laga gudbi karin ilaa badbaadada gobolka loo kaco ma ahee!

Bal ila fiiri Akhristaha Sharafka iyo Qiimigaba mudanoow dhibaatooyinka wakhtigan aan soo bandhigayno qoraalkan lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee ALLE gogol uga dhigay gobolka shabeelaha hoose,Cida dhibaatooyinkaasi mas’uulka ka ah iyo Weliba awooda ay ku fulinayaan Dulmigooda,Waxaa ayaan daro aad u weyn ah hadii jawaabaha Su’aalahani isugu soo aruuraan in Waxa Dulminaaya reer Shabeelaha hoose si gaar ah beelaha Digileed ay yihiin walaalahooda Mirifle,Waaba ay yihiine!

Ma ahan xaqdarada ay reer Mirifle Digilka ku hayaan haatan kuwo leh Bar bilow iyo Bar dhamaad midna laakiin waa kuwo god walba ugu galay beelaha Digil saameeyayna guud ahaan Quluubtooda,Aafeeyayna Walaaltinimadii,Tixgelintii,Ixtiraamkii iyo isu Garaawidii ka dhexeysay walaalaha.

Bal aan isku dayo in aan wax yar ka ifiyo Xaqdarada beelaha Mirifle isugu bahaysteen in ay ku dhacaan walaalkood Digil.

*Awood Qaybsi.

Awood qaybsi ku dhisan beelo waa habka haatan Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan nidaamkeeda uu ku dhisan yahay Digil iyo Mirifluhuna waa ka qayb.

~Ciidamada.

Waa qayb ka mid ah in guud ahaan Dalka laga qoro Ciidamo difaaca Dalka,Dadka iyo Diinta,Howshaasina waxaa loo idmaday Dowlada Fedraalka iyo Maamul gobleedyada.

1-Maamulka KoonfurGalbeed waxaan xog sugan ku haynaa in uu gobolka Baay iyo Bakool(Sagaal iyo Sideed Mirifle)uu u tababaray Ciidan Millatari oo tiradooda gaareyso 2,700 askari kuwaasi oo weliba qalabkooduna u dhan yahay mushaarna qaata.

Halka Gobolka Shabelaha hoosena(Digil) aanay jirin wax ciidan ah oo loo tababaray,Qalabayn iyo Mushaharaadna warkoodaba daa’ Kolka laga soo reebo 200 askari oo ciidan boliis ah oo la rabey in loo soo tababaro gobolka Shabelaha hoose labo sano ka hor in ayadana arinteeda meel cidlo ah ku dhamaatey dhalinyaradii halkaasi loo direyna ay isaga soo kala noqdeen kolkii Baydhabo lagu dayacay halka qaarkoodna dariiqa ay ku dishay kooxda Shabaab ilaa iyo maantana aanu weli ka hadlin maamulka KoonfurGalbeed.

2-Taliyayaasha Ciidamada maamulka KoonfurGalbeed qaybahooda kala gedisan waa wada Mirifle in wax xubin ah laga siiyo reer Shabeelaha hoose dhaafee Gobolkoodii waxaa Taliye ciidanka nabadsugida looga soo dhigay nin kasoo jeeda beesha Mirifle

3-Sidoo kale Waxaan inaba faro lagu hayn Gaadiidkii deeqda ahaa ee Ciidamada Maamulka KoonfurGalbeed kaga soo hagaagtay gobolka Shabeelaha hoose.

4-Waxaa Socdo Qorsho uu maamulka KoonfurGalbeed hada uu wado oo degmada Baraawe lagu gaynaayo 600 askari oo dhamaantood kasoo jeeda beesha Mirifle isla markaasna heshiis hoose la galey ciidamo kasoo jeeda gobolada dhexe oo halkaasi ku sugan.

~Maamulka.

Sida ay tahay mas’uuliyadi waxaa lama huraan ah inuu jiro Halbeeg lagu kala baxo xiliga lays qabto oo ay xisaabi timaado

1- Maamulka KoonfurGalbeed waxa uu leeyahay haatan 8 Agaasime guud dhamaantoodana waa hada Sideedooda waa wada Mirifle.

2-70% Wasiirada ugu waaweyn maamulka KoonfurGalbeed ay ku abtirsadaan isla beesha Mirifle.

3- Waxaa iyana jira 9 isku duwe wasaaradeed dhamaantoodana waxay kasoo jeedaan beesha Mirifle.

4- Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo ah nin kasoo jeeda gobolka ayadoo isla markaana ku xigeeno looga dhigay laba ruux oo kasoo jeeda beesha Mirifle.

~Dhaqaalaha.

Inta badan dhaqaalaha uga soo xarooda Maamulka KoonfurGalbeed dhulka uu maamulo ayaa waxa uu ka yimaadaa Isbaarooyinka dhex yaal gobolka Shabeelaha hoose.

1-Isbaarooyinka yaala degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxa maamulka KoonfurGalbeed maalintii uga soo xarootaa in ka bada $56,000.00 oo Dollarka Mareykanka ah lacagtaas oo inteeda badan waxaa kala qeybsada Sheekh Xasan Ibraahin lugbuur Wasiirka Garsoorka,C/llahi Aadan Axmed black Wasiirka Wasaarada Gaadiid Cirka iyo Dulka,Maxamed Cabdullaahi Mursal Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Sate Wasiirka Maaliyada,Osama iyo Xasan Maxamed Xuseen Eelaay Wasiirka Amniga ayago qeybna ka siiya nin lagu magacaabo Cali Nuur oo kasoo jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Dulmiga aynu ka warameyno ee beesha Mirifle ay Dulmayso Walaalaheeda Digil kuma koobna intan aan soo bandhignay ee maamulka KoonfurGalbeed uu ku hayo Deegaanka Gobolka Shabeelaha hoose iyo Digilka ku nool,Balse waxaa iyana ka liidan dhanka Dowlada Fedraalka iyo Xubnaha awood qaybsiga ay ku heleen Digil iyo Mirifle.

Inbadan waxaan su’aalba ka iman waxna layskaba weydiin qaabka wax u wadaagaan Digil iyo Mirifle kolka ay kasoo dhamaadaan Awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Ma filaayo inay jirto beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo sidan u dulantay beel ay walaalo yihiin marka laga reebo beesho Mirifle iyo Dulunkeeda ku aadan Walaalaha Digil.

1-Gudoomiyaha baarlamaanka Fedraalka waa Mirifle.

2-Sedexda Wasiir ee ugu mudan Qoondada Digil iyo Miriflena waa Mirifle.

3-In kabadan Laba dhig Sedax-na Xunbaha Baarlamaanka Fedraalka waa reer Mirifle.

4-Madaxweynaha maamul goboleed KoonfurGalbeedna waa Mirifle.

5-Taliyaha Ciidanka Bada iyo Taliye xigeenka nabadsugida dowlada federaalkana waa Mirifle.

6-Waxaa intaan dheer Safiirada dalalka dibada u fadhiya Soomaaliya ee ka yimid Digil iyo Mirifle 80% waa Mirifle.

7-Agaasimayaasha,Maareeyayaasha,Saraakiisha Dowlada iyo Mas’uuliyiinta gudiyada Madaxa banaana xaalkooda ALLAA og Anagana Miiska ayaynu soo saari doonaa.

Isku soo wada duub dhibtan taagaan maanta waxaa iyana hubaal ah inay kaalin aad u weyn ku lahaayeen Madaxda maanta Muqdisho fadhida dhawaqoodana aan maqlayno oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka si gaarna aan carabka u adkayn karo labadii Suldaan ee Shariif Xasan u suura geliyay inuu ku takri falo Maamulka ummada,Burburiyo rajadii Digil iyo Mirifle,Dhulka ku jiido Sharaftii Ummadda KoonfurGalbeed lahayd Suldaan Warsame Caliyow Ibrow iyo Suldaan Buuwe Cabdule Buuwe,Siyaasiyiinta,Waxgaradka,Qurbajoogta iyo dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose.

Waxaana su’aal maangal ah waxa maanta keenay inay ka gadoodaan maamulka Shariif iyadoo sidoo kalena ah in wax layska weydiiyo halka ay ku wajahan yihiin iyo weliba halka ay Hiigsanayaan?

Ma yara su’aalaha ay shacabku qabi karaan ha yeeshee Quuska ay ka qabaan Madaxdooda ma waanu xaalkooda u ekaysiinaynin Af ka baxay culays maleh?

Madmadow badan oo jira Musuq iyo Anow igu fiican yahay ma waan talada Maqaar iyo Maro isku tol ka dhigayn warka?

Haday Madaxdeenu inoo danqanayaan oo ay dhibteena dareemayaan iyaguna wax isku falaya May u dhawaaqaan xubnaha Dowlada Fedraalka Golayaasheeda inoogu jira,Golayaasha maamulka KoonfurGalbeed kuwa inoogu jira iyo Maamulka gobolka Shabeelaha hoose inay Shaqo joojin cabasho ah sameeyaan si dhibteena loo arko?

Maa kacdoon Xalaal ah oo aan cid kale laga sugayn carabka ku adkeeyaan?
May ummadda horkacaan oo safka hore istaagaan?
Kol hadii aan intaas aan soo dul istaagay aanu ajandaha noogu jirin “DHUMEEY UUW I ER MA AHAA?.

Xafiiska Daafeet.com
Atlanta.
Abdiaziz Cade.

5 COMMENTS

  1. Asc marka hore wllka soo qoray dhanbalkan aad ayow u mahaadsan yahay
    Teda kale wllka waxan rabaa inaan kula wadaho arin yar taso ah maxaa diiday Reer shabelaha hoose iney naqdan dad u bisil wax walbo oo hurmarkooda ah qasatan kuwan ka hadlayo waa dadka dhaladka asalka ah ee ka so jeedo hadey naqato qaab kala danben hadey naqato qaab is walaalsi iyo isu deer nixid iyo iney is moojoyan ayaga wada jirka maxaa u diiday wata ayaga midba meel warabaha ku cunaye, teda kale mala socotan Sh, Hoose dhibatada lawad ee heysato aayna la naqan layihiin ul iyo tiirkeda Digil kuwoda jeleca ah waxey iskala weyyihiin kuwaa jareerka wey yasan gumeysi ayeey isku hayan kuwa jelecda ah waxey wllsaden Hawiyaha iyo Daroodka ama qowmiyadaha kale ee jeleca ah taas ayana sabaab u ah hadan soo qaato Shanta Calemo kuwa tinta jelcan Allah siyaay wey iskala weyn yihiin kuwa timaha jelcan Badagi sido kale anigo ka wada gaarin tuuloyin qaar waba les gumasta is adoonsi ayaba ka jiro marka wllyal mirifle kaliya yaan dusha laga sarin waxa dhacayo ee marka hore Digil ha isasa soo saxo ee asaga dhexdisa Masamax kariim ha sameyan markas ayow xaqa soo dilaca maso koobi karo Digil arimahiisa ee waxan leyahay odayal waxgarad aqoonyahan dhalinyaro qosolka beenta aad isku qancineysan intad deysan Allah ka wada baqa oo dib u midoba

    • WCSWW.
      Walaalkeey ama Walaasheey waa ku salaamay.
      Waa Run in dhibta gobolka taal ayan ahayn dhib ka timid Mirifle kaliya balse waa mid aan loo kala harin sidaa oo ay tahay hadana midba wakhtigeeday leedahay oo Tan Mirifle ayaa maanta taagan,Waxaan soo aragnay Dhibta Digil uu ka geystay gobolka(Geledi) Dhibta Dir geysatay(BiyoMaal) Dhibta Daarood(Dowladii Kacaanka)Dhibta Hawiye(USC) Yaa Haray hee?
      Dhexdeena Jareer iyo Jileec CADAALAD ayaa na deeqda,Haloo tartamo sidii CADAALAD aan ku heli lahayn,Runtana haloo sheego kuwa weli Awooda aan jirin(Jileeca) u sheeganaaya walaalahood(Jareerta ah).
      Dulmi waa Dulmi,Mid fiican iyo mid Xun ma kala laha……Dulmiilana ma laha Sokeeye iyo Shisheeye!

      • Aad iyo aad wan fahmay hadalkaga teda kale jareerta Digil ka dhalatay waxa loo soo adegsaday wllhood timaha jelcan Allah siyaay oo is moodey ineyba kiwan Timaha jareerka leh dhalasha kala dhexeyniin ee jelecda kale ee Somaliya dhalasha kala dhexeyso taso u wacan tahay maan gabnidooda Reer waqooyi waxey qaban dad Tima jarer leh Hargeysa waxey ku joogan kibir iyo iney wada simanyihiin kuwa kale Hawiye waka buuxa Tin jareer laguma xad godbo xaquuqdooda maxa diiday Digil iyo Mirifle waliba Digil iney herkan isla garan, aan wax yar ka soo qaato bari samadki lama maqli jirin gaajo laga sheego Sh, Hoose iyo bay iyo Bakool Sh, Dhexe maanta waxad aragta melaha qaar xita hadey aabar ka dhacdo oo calamka soo gurmado ka Somali ahan Sh, Hoose iney wax ku lehen cawinadas ka timid caalamka maxa u wacay ayad is ledahay?
        Teda kale waxey leyihiin aqoon yahano wax garad dhalin yaro intaba wax soo kurdhintooda waa dhawa dhilif nimo damiirkii intow aaday mise dalka ayan anaga leheen oo koytan ku nahay ?

  2. SU’AL DIGIL DHULKA INOW LEYAHAY MA CADAHAY ?
    HADOW LEYAHAYNA MAXA DIIDAY INOW DHULKIISA DHEXDA U XERTO DADKA ISKA DHICIYO ?
    TEDA KALE MAXA LOO WAYAY DIGIL OO ISKU YIMADO OO KA TASHADO AYAHOODA AYAGO MIRIFLA KA MAQAN?
    MISE MIRIFLE LA’ANTIIS WAX MA NAQAN KARTAN AYEEY KITAAB KA AQRISTEN KULEY KITABKA ALLE BEEN KAMA SHEGAYANE, BY, OMAR M,I ABU 7

  3. Asc walaliyaal waxan idin leeyahay digil iyo mirifle waa dad wada dhashay walaalo ah yaan dadka la isku dirin anagoo dhan hal cadow ayaan leenahay cadowgaas nagusoo duuley aan iska dhicino ma ahan anaga dhexdeena inan toosh isku iftiinino hadii kale cadowga ayaa nagu faaidi doono marka halaga shaqeeyo gobolka sidi looga xorayn laha cadowga insha alah.

Comments are closed.