Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Ku Ridey Eedeysanayaashii Ka Dambeeyey Qaraxii Zoobe

0
52

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal lala xiriirinayay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Maxkamada ayaa tan wixii ka danbeeyay Qaraxaasi ku howlaneyd baarista sidii uu u dhacay Qaraxa iyo waliba dadkii ka danbeeyay waxaana ay ugu danbeyntii riday xukunno isugu jira, dil, xabsi daa’in, xarig, iyo eedeysanayaasha qaar oo la sii daayay kaddib markii danbe lagu waayay:

Maxkamada ayaa Xasan Aadan Isaaq Cali ku riday xukun dil toogasho ah.

C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.

C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.