Shirka Madasha Qaranka oo Maanta Ka Furmey Magalada Muqdisho

0
61

Waxaa goor-dhaweyd magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo shirka waxaa dib u eegis lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo ciidamada Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan madaxda heer Federaal iyo heer maamul Goboleed.