Jaaliyada Koonfur Galbeed ee UK oo Soo Daweeyey Go,aankii Odayaasha Iyo Waxgaradka Shabelaha Hoose

0
38

Jaalliyadda K/galbeed ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee wadanka UK ayaa isugu yimid kullan ay ku Ayidaayeen kullankii ka dhacay Magaalada Muqdishow oo ay ku yeesheen xildhibaanada labada gole ee shacabka heer federaal iyo heer Maamul-goboleed u matala shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose Go’aankii & Baaqii ay ka soo saareen iyo moowqifkii ay ka qaateen sameeynta Golayaasha Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose Siyaasiyiintii , Aqoonyahanadii & wax garadkii ka socday Jaalliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee UK waxeey cod aad u dheer ay ku soo dhaweeyeen kuna taageereen kullankii xildhibaaada & madax-dhaqameedyada Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka soo saareen iyo moowqifkii ku aadanaa masiirka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Siyaasiyiinta & waxgaradka Jaalliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee UK waxeey dhankooda ay ku biiriyeen haatan in aan wax gole deegaan ah aan loo sameeyn karin Gobolka Shabeellaha Hoose asbaabahaan daraadood:-

A-guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose wax Amni ah kama jiro
B-xuriyad dhaq-dhaqaaq ama isku socod kama jiro Gobolka
J-Dhismaha Golaha Deegaanka waa in lagu saleeyaa sida waafaqsan Dastuurka & Xeerka federaalka Qodobadiisa (9,10 )& Qodobka (11) ee shuruudaha xubinimada Golaha Deegaanka

Dr; Cali Cabdi Baab
Wakiilka Maamulka kumeel-gaarka Koonfur galbeed ee UK +EU