Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle oo Mar Kale Ka Hadley Weerarkii Gurigiisa Lagu Soo Qaaday

0
74

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bil ka hor gurigiisa lagu qaaday.

Waxa uu sheegay Cabdi Qeybdiid iney jiri karto qatar ku wajahan isaga iyo qoyskiisa, waxa uuna ku dhaliilay dowladda Federaalka in aysan wax ka qaban dadkii ka dambeeyay weerarkii 30-kii December 2017 lagu qaaday hoygiisa.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday la doonayay in isaga lagu dilo balse ilaahey ka bad baadiyay, waxaa uuna tilmaamay in arrintan aysan kaligii qatar ku ahaan karin ee sidoo kale ay ku tahay cid walbo oo kamid ah madaxda dowladda .

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa weerarkii Cabdi Qeybdiid gurigiisa ku qaadeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya waxaa ay u saartay guddi baaritaan, hassa ahaatee ma jirto wali wax natiijo ah oo kasoo baxday baaritaankaasi.