Daawo Xildhibanada Digil iyo Odey Dhaqameedyadooda oo Markii ugu Horeysey Boorka Iska Jafay

2
41

Kulan aad u balaaran oo maalintii shaley ka dhacay magalada muqdisho ayaa isugu yimid xildhibanada beesha digil ugu jira aqlka hoose iyo odey dhaqameedyadooda.

Kulankaas ayaa waxaa diirada lagu saarayey dhibaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee maalin walba ka taagan gobolka shabelaha hoose iyo weli maamul deegaaneed maamulka shariif xasan rabo in uu halkaasi ka yagleelo.

Gabagabadii kulankaasi ayaa go,aanadii kasoo baxay kulanka waxaa warbaahinta u aqriyey suldaanka beesha jiido Suldaan Warsame Suldaan Caliyo qodobadii ui halkaasi ka aqriyeyna waxay kala ahaayeen sidan.

1- in aan Golaha deegaanka aan la dhisi karin ilaa dhulka la xureeyo.

2- in 300 ciidan ee jooga Baydhabo si deg deg ah loo keeno gobolkooda Shabeelaha Hoose si ay qayb uga noqdaan amaanka Gobolka.

3- in gobolka Shabeelaha Hoose uu yeesho gudi lagala tashado arimaha gobolka.

4. In horey loo wado dib u heshiisiinta gobolka.

5. In dhulalkii la bixiyay wixii ka dambeeyay 1991 ay yihiin wax kama jiraan… wixii faahfaahin ah gadaal Ayaan idinkaga soo sheegeeynaa.

Si kastaba arintu ha ahaatee waa markii ugu horeysey oo ay boorka iska jafaan xildhibaanada digil iyo odey dhaqameedyadooda taasoo aan la ogeyn halka ay caga dhigan doonto mustaqbalka.

2 COMMENTS

  1. Hore ha loo socdo dibada iyo gudaha waa idiin tageraynaa maal iyo cudud Sakiin waxba ma dhaamo kuwa idiin haysta iyaga ayuu heshiis kula jiraa kuwa kale oo ka xun ayuu idiin soo wadaa

  2. Ragga meesha isugi yimid ma DIgil keliyaa? Waxaanba u jeedaa Xildhibaandii Biimaal oo ka dhex muuqdee. Sida Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi iyo rag kaloo badan.

Comments are closed.