Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Maanta Gaarey Magalada Baydhaba

0
43

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa ka degtay diyaar gaar ah oo sida wafdi uu horkacayay Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana garoonka ku soo dhaweeyay wafdiga Rooboow mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shariif Xasan.

Socdaalkiisa magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinayay shaqsiyaad ka tirsan maamulka shariif xasan oo horey ugu sugnaa magalada muqdisho.

Mudada uu joogo Baydhabo ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda iyo sarakiisha maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.