Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya oo Xaley La Kulmey Reysulwasaraha Dalka Canada

0
39

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku yeeshay in kulanka ay uga wada hadleen ra’iisal wasaaraha Canada adkeynta, dardar gelinta iyo xiriirka fiican ee labada dal u dhaxeeya.

Kulanka Labada mas’uul ayaa ahaa mid kooban ayagoo ku kulmey munaasabad casho aheyd oo loo sameeyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka dhaqaalaha Adduunka.

Inta uu socdo kulanka ayaa lagu wadaa in reysulwasaraha la kulmi doono madaxda ka qeyb galeysa kulankaas isagoo ilaa iyo haatan la kulmey dhowr madax.