Maamulka Jubaland oo Soo Dhaweeyey Maalgashiga Qurba Joogta Jubaland

0
49

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jirtay in xaafado cusub lagu soo kordhinayay Magaalada Kismaayo, ee xaraunta KMG Maamulka Jubaland ayaa waxaa arintaas ka hadlay, markii ugu horeysay Madaxdeynaha Maamulkaasi.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in arintaan ay tahay wax loo baahan yahay, isagoona ku tilmaamay guul usoo hoyotay reer Jubaland.

Waxa uu tilmaamay in maamul ahaan ay garab taagan yihiin dadkaasi, ayna si aad ah ugu farxsan yihiin, dhismooyinka cusub ee ku soo kordhaya xaafadaha Magaalada Kismaayo, balse waxa uu carabka ku adkeeyay inay wax badan ka qaban doonaan isqabqabsiga la xiriira dhulka.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale waxa uu farta ku fiiqay in Maamulka Jubaland ay damaanad qaad buuxda siinayaan Qurba joogta ka soo jeeda deganadaas, oo doonaya inay boosas ka iibsadaan degaanada Jubaland.