Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Kusii Jeeda Magalada Caabudwaaq

0
102

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa Cabud-Waaq ku wehlin doona maxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan dowladda iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada CaabudWaaq waxaa ka socda diyaar garoow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka madaxweynaha.

Ammaanka Magaalada Caabud-Waaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, ciidamo horu-dhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa gaaray Caabudwaaq.