Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Arimaha Somaliya oo Ku Baaqay In La Dhaqan Geliyo Heshiska Galmudug iyo Ahlusuna

0
36

Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ka qeyb galay shirweynihii Dhuusa-mareeb ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo mideyntii Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Keating ayaa bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweynihii hore ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo hada noqday Madaxa Xukuumada Galmudug.

Mr. Micheal Keating ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

Sidoo kale Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay Qaramada Midoobay in ay soo dhaweyneyso heshiiskan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka Galmudug.