Maamulka Degmada Baardheere oo Dhagax dhigey Wejiga2aad Shan Mashruuc oo lagu horomarinayo Deegaanka(Dhageyso+Sawwiro)

0
50

Maamulka degmada Baardheer ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigey wejiga labaad ilaa Afar mashruuc oo la bilaabay in laga hergeliyo degmadan,waxaana xafladii lagu soo bandhigayey Mashaariicdaan ka soo qeybgalay Xubnaha maamulka degmada,Odoyaasha dhaqanka ,Haweenka , Culamaudiinka ,dhalinyarada iyo waxgarad kale.

Dhismaha Mashaariicdan oo ahmiyad gaar u leh bulshada ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa waxaa ka mid ah,Sameynta Biyo xireenka Xaafada Buulo leysaan,Sameynta Buundo Jiifto ah oo laga dhisayo Toga weyn ee wadada aada Saakow,Sameynta Ceelka Biyaha ee Xerada Bulsho,hagaajinta Nadaafada deegaanka iyo shir dib u heshiisin ah oo loo qaban doono Beelaha degan degmada Baardheere.

Mas,uuliyiintii ka hadashey Xaflada oo ay ka mid ahaayeen Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow)oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere iyo xubnahii kale ee ka kala socdey qeybaha kale duwan ee Bulshada ayaa dhamaantood waxay ku dheeraadeen faa,idada mashaariicdani ay u leeyihiin bulshada ku dhaqan degmada Baardheere iyo sida ay bulshada uga faa,ideysan doonaan.

“Maamulkayga wuxuu ku guulaystay horumarinta degmada baardhere, welina waan sii wadayaa ee adina dhankiina taageero Ayaan idinka rabnaaa,Maanta waxaa farxad noo ah in aan furno wejigii labaad ee Mashaariicda horomarinta ee laga hergelinayo degmada ,waadna og tahiin sanadkii hore ee 2016 kii in aan furney 4 mashruuc oo noo qabsoomay,mashaariicdana waa kuwo si guud ah ay ugu wada faa,ideysanayaan dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere, sidaasi waxaa yiri Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow)oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere waxaan u mahadcelinayaa Maamulka degmada Baardheere.

Qureesho Aden Cumar Waa Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Baardheere,waxayna u mahad celisey Maamulka degmada Baardhere oo suurta geliyey in mashaariicdan horomarinta in degmada laga hergeliyo,mashaariicdan ayey sheegtay in wax weyn ay ka bedeleen nolosha dadka deeganka,sida kobaca ganacsiga,adeegyada Bulshada,Amaanka iyo is dhex galka bulshada, run ahaantii waxaan leenahay nasiib wanaagsan,waadna og tahiin dhamaan mashaariicdii hore sida ay wax ugu bedeleen nolosha deegaanka.

Nabadoon Sheekh Axmed Shuuriye waxaa uu ka mid yahay Odoyaasha dhaqanka degmada Baardheere,waxaana uu ku taageeray Maamulka degmada Baardheere maashaaricdani horomarinta kuwii hore iyo kuwan cusuba in ay yahiin kuwa dalka iyo dadka anfacaya,haddii aan nahay Hogaamiyayaasha bulshada deegaanka,waana ku faraxsanahay dhagax dhiga Mashaariicda cusub.

Mashaariicdan laga hergelinayo degmada Baardheere oo ah wejigii labaad muddo 2 sanno ah ,islamarkaana ay baahi weyn u qabeen dadka deegaanka ayaa waxay ku soo beegmayaan, xilli Mashaariic kale oo horomarineed degmada laga hergeliyey horaantii sanadkan.
Mashaariicdaasi oo ah kuwa iminkaba lagu shaqeeyo,islamarkaana wax ka bedelay bilicda Magaalada iyo horomarka ayaa waxaa ka mid ahaa,Garoonka kubada Cagta,Xarunta Bulshada,Xarunta Maamulka degmada Baardheere, Biyo xireeno lagu sameynayo Toga weyn ee mara Xaafada Bulo kurmaan iyo leyrarka Cadceeda ku shaqeeya oo laga hergeliyey deegaanka,waana mashaariicdii ugu balaarneyd ee laga hergeliyo Baardheere muddo ka badan ilaa 30 sanno.

Maamulka-Degmada-Baardheere-oo-Dhagax-dhigey