Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Gaarey Ugandha Si uu Uga Qeyb Galo Kulan Ku Saabsan Arimaha Qaxootiga

0
24

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa shalay gaaray magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka qeyb-gallo shir dalkaasi ka furmaya oo looga hadlayo arrimaha Qaxootiga gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga uu la socdo ayaa inta ay booqashada ku guda jiraan waxaa ay la kulmi doonaa madaxda Uganda iyo wufuuda kale ee shirka ka qeyb-galaysa.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale oo wada hadallo la yeelan doona dhigooda wadanka Uganda.