Fadeexo:Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo Lunsadey Lacag Loogu Tala Galey In Dadka Tabaleysan Lagu Afuriyo

1
90

Xog ay Daafeet Media ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) uu lunsaday lacago loogu tala galay in lagu afuriyo shacabka ku nool degmooyinka gobolka Shabelaha hoose.

Xogtan aynu helayno ayaa waxaa ay ku waramaysaa in Gudoomiyaha uu sameystay Hay’ad samafal macmal ah(NGO) laguna magacaabo Dugulle.

Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee uu leeyahay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali(Najax) ayaa waxaa ka mas’uul nin magaciisa lagu soo gaabiyey Canjeex oo ay Najax jufo hoose isku yihiin.

Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee Dugulle (NGO) ayaa waxay heshiis la gashay IOM oo iyaduna toos qandaraasyada uga qaadata Hay’ada Dowlada Mareykanka u qaabilsan kaalmada Dibada ee lagu magacaabo USAID, Qandaraaskan ay qaadatay Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee Dugulle ayaa ahaa mid dadka aadka u liita ee ku dhaqan degmooyinka Gobolka Shabeelaha hoose mudo Afar maalmood lagu siinaayo Afur iyo Casho.

Qorshahan Afurinta dadka sida aadka ah u nugul ee ku nool degmooyinka Marka, Qoryooleey, Afgooye, Wanlaweyn iyo Baraawe ayaa ahaa mid Hay’ada IOM ugu tala gashay in la gaarsiiyo dad ku nool Shantan degmo ee aynu kor ku soo sheegnay.

*Qorshaha IOM-ta

Sida aan xogta ku helnay Hay’ada IOM ayaa qorsheheeda Afurinta dadka aad u sii liita ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ahaa sida soo socota:

1-Qofkii waxay ugu talogashay Afurka: $7.12 (Todoba Doolar iyo Toban iyo Laba Senti).

2-Qofkii Cashada waxay ugu talogashey: $15.25(Toban iyo Shan Doolar iyo Labaatan iyo Shan Senti).

3-Wadarta Guud ee Afur iyo Casho ee Qofkiiba waxaa loogu Talogalay: $22.36(Labaatan iyo Laba Doolar iyo Sodon iyo Lix Senti).

4-Tirada guud ee dadka Afurka iyo Cashada lasiinayo waa 180 ruux oo ku kala dhaqan Shantan degmo.

*Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee Dugulle (NGO) ayaa kolkii lagu soo wareejiyay ka dib waxay sameysay qorsho ka gedisan kii ay kula balameen IOM ee aan kor ku soo sheegnay iyagoo u maamulay sida tan:

1-Guud ahaan Afur iyo Casho wadajira ayaa waxay Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee Dugulle ku bixisay $5.00 oo kaliya Qofkiiba iyadoo sidoo kale Afurka iyo Cashadan kaliya ay ka bixisay Degmooyinka Afgooye; Wanleweyn iyo Qoryoolay.

2-Degmooyinka Marko iyo Baraawe ayaan Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee Dugulle waxba ka qaybin iyadoo Qatooyada iyo dhaca hay’adani u gaysatay dadka masaakiinta ah ee loogu tala galay in lagu Afuriyo kaalmadan ee ku dhaqan Marko iyo Baraawe loo aanaynaay Mas’uuliyiinta Degmooyinkaas kasoo jeeda oo ah kuwo aan xil iska saarin Shacabkooda.

*Lacagaha uu dhacay Gud.Najax

Guud ahaan lacagaha uu Gudoomiye Najax ka dhacay masaakiinta isagoo adeegsanaaya Hay’adan Samafal ee macmalka ah ee Dugulle ayaa iyana kala ah:

1-Degmooyinka Marko iyo Baraawe guud ahaan qofba looma afurin; Lacagaha loogu Talogaleyna waxay ahayd: $5,368 Baraawe + $5,368 Marko = $10,736(Toban kun Todoba Boqol iyo Sodon iyo Lix Doolar)

2-Degmooyinka Afgooye,Qoryooleey iyo Wanlaweyn ayaa iyana ka dhacay gudoomiyaha gobolka Ibraahin Najax lacag xadigeedu gaarayo 17.36X180 Qof X 4 Habeen= $12,499.2 (Laba iyo Toban Kun iyo Afar Boqol Sagaashan iyo Sagaal Doolar iyo Laba Senti)

3-Tirada guud ee uu Gudoomiye Najax ka dhacay dadka masaakiinta ah ee ku nool gobolka uu Gudoomiyaha ka yahay ayaa waxay gaareysaa $23,235.00

Talaabadan naxariis darada ah ee uu ku dhacay kaalmadii loogu dhiibay dadka taagta daran ee ku nool gobolka Ibraahim Aadan Cali(Najax) Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha ayaa sidoo kale waxay ku soo aadaysaa iyadoo haatan lagu guda jiro Tobankii habeen ee u danbaysay bisha Ramadaan oo weliba si weyn loogbaadi goobayo Leylatul Qadriga oo Runtii in wax la dhaco daayee looga baahnaa Towba iyo ALLE bari.

1 COMMENT

Comments are closed.