Kooxda Alshabab oo Maanta Qarax la beegsatey Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi

0
56

Warar hordhac ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada qaraxan waxaa ku dhintey 10 halka dhaawacana uu kor u dhaafey 16 ruux, kaddib markii gaariga weerarka geystay lagu dhuftay ilinka hore ee saldhiga.

Qaraxan ayaa dhacay maalin kaddib markii weerar culus oo ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta degmada Wadajir oo ay ku dhinteen tiro ka badan 20 ruux.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa wali ku howlan qaadista dadka wax yeellada ka soo gaartay qaraxa maanta.