Reysulwasaaraha Xuuumada Federaalka oo La Kulmey saraakiisha Amniga Dalka

0
31

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulamo deg-deg ah la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka, kadib Qaraxii shalay Al Shabaab ay ku weerareen xarunta degmada Wadajir.

Saraakiisha amniga Dalka ayaa Ra’isul Wasaare kheyre uga warbixiyey sida uu u dhacay qarixii ka dhacay xarunta degmada Wadajir iyo baaritaanada dheeriga ee la xiriira qarax oo ilaa iminka socdo.

Kheyre, ayaa saraakiisha amniga u sheegay in aan loo dulqaadan karin in Al-shabaab ay helaan Fursad ay Shacabka ku waxyeeleyn karaan, isaga oo xusay in ciidamada ammaanka laga doonayo in ay si adag uga hortagaan dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ee ay Al Shabaab geystaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.