Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukuno Kala Duwan Ku Ridey Dhalinyaradii Baydhabo Sheekha Ku Diley

0
31

Maxkamada darrada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday Sedex dhalinyarro ah ku eedeysnaa in masjid ku yaala magaalada ku dhax toogteen todobaadkii hore wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Deer.

Maxkamada oo maalintii shalay soo gabagabeysay dhageysiga kiiska dacwada loo heystay sadexda dhalinyarrada ah oo lagu soo eedeeyay in gudaha Masjidka ku dileen wadaadka, ayaa ugu danbeyntii, soo saartay xukun isugu jiray dil iyo xabsi daa’in.

Garsoorka Maxkamada ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Aadan Cali Barrow oo ahaa ninkii gacantiisa ku dilay Sheekh Maxamed Deer lagu riday xukun dil ah halka Labada kale oo dilkan gacan ku siiyay iyana lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in ragan eedeesanayaasha ahaa ey qirteen in Al -shabaab ka tirsanaayeen sidoo kale dilkasai ka dambeeyeen, waxaana gudoomiyaha maxkamada darrajada koowaad ee ciidamada uu saakay ku dhawaqaay xukunka dilka ah iyo xabsi daa’in lagu riday labada kale oo lagu eedeeyay in ay caawiyeen.

Dhanka ka le waxaa jirtey falkan fal ka horeeyey oo ahaa ciidamo ka tirsan maamulka shariif xasan ay dad shacab ah ku laayeen taasoo ilaa iyo hada aysan jirin cid loo soo qabtey ama maxkamad loo soo taagey.