Faarax Sheekh C/qaadir ” Faarax Sakiin” oo Ku Guuleystey Ka Mid Noqoshada Aqalka Hoose

0
52

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa ku soo baxay Xubno ka dhex muuqday Dowlada hada waqtigeeda dhamaadey.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa noqday Xildhibaan, kadib markii uu ka guuleystay Cismaan Maxamed Axmed iyo Ilyaas Maxamed C/kariin.

Waxaa kale oo Xildhibaaninimada deeganada Hirshabelle ee Aqalka hoose ku guuleystay Maxamed C/laahi Sanbaloolshe Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Jowhar, iyadoo Qorshaha uu yahay in 13 Xubnood Wajiga koowaad ee Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Hirshabelle lagu doorto.