Mid Ka Mid Ah Ergooyinka Xildhibaanada Galmudug oo Lagu Diley Magalada Cadaado

0
27

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in lagu kala cararay xarunta ay ka socoto doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado ka dib markii nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ergada xildhibaanada Galmudug dooranaysa lagu toogtay albaabka hore ee xarunta ay ka socoto doorashada .

Ciidamada Ammaanka ayaa howgal ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay waxa ay ka bilaabeen Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Dhacdadaan ayaa timid ka dib markii Maanta Magaalada Cadaado lagu doortay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo horay xilal ka duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Si kastaba arintu ha ahaatee doorashooyinka dadban ee ka dhacaya dalka ayaa meelo badan sidan la isugu heystaa ayagoo meelaha qaarkood dad badan ay isaga laayeen.