Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun: Nabadoon C/llahi Axmed C/raxmaan Oo Shaley Lagu Diley Degmada saakow

0
25

Shalay oo ay Taariikhda aheyd 21/10/2016 waxaa Degmada Saakow ee Gobalka Jubada Dhexe si xaqdarro ah loogu diley Nabadoon C/laahi Axmed C/raxmaan oo ahaa mid kamid Nabadoonada magaca kulahaa Beesha Shanta Caleemood dhexdeeda iyo guud ahaan Beelaha Soomaaliyeed kuna magac dheeraa Nabadoon “Yaraaw”.

Run ahaantii waa geeri laga wada Dareemay guud ahaan Gobalada Dalka, qaasatan Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya qaas ahaan Gobalka Sh/hoose oo uu kasoo jeeday.

Xaqiiqdii geeridiisa markaan maqley ilaa hadda sidaan ahay ma aqaan, maxaa yeelay wuxuu ahaa Qof Naxariis badan, Dadka dhibaateysanna u gargaara, Sadaqo badan, Salaada Jamaacada safka hore lagu yaqaan, Dadkoo dhanna saaxiib la ah…

Nabadoon C/laahi Axmed C/raxmaan “Yaraaw”: wuxuu ahaa qof Bulshada Nabada u horseeda, waxaan ogahay Qatarta uu u mari jirey Deegaanka uu kunoolaa in Nabad lagu seexdo, lagu soo kaco, lagu shaqeysto, laguna Cibaadeysto, Allow u Naxariiso, Allow u Naxariiso oo Janadaada Fardowsa nagu kulmi aamiin dhamaanteenaba aamiin.