Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeele oo Kol Dhaweyd Ka Bilowdey Magalada Jowhar

0
27

Caleema Saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Caleema saarka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada dalka ka dhisan, gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wafdi ka socda Beesha Caalamka, iyo sidoo kale Qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ah.

Madaxda ayaa halkaasi ka jeedinaya Khudbado kala duwan oo ay kaga hadlaayaan caleema saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Shirka waxaa ka maqan Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta Shir ay ku qabteen Baledweyne ku sheegay in aysan taageersaneyn maamulka Hirshabeelle.

Ciidamo dheeraad ah oo Muqdisho ka tagay ayaa gaaray Magaalada Jowhar si ay u sugaan Amniga Magaalada, waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar la soo dhoobay Ciidamo badan.