Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Tacsi u Direy Qoyskii Iyo Eheladii uu Ka Geeryoodey Generale Maxamed Cali Samatar

0
30

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan dowladaFederaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.