Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Jeneraal Maxamed cali Samatar oo Ku Geeryoodey Dalka Mareykanka

0
37

General Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeen iyo taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay in uu maalmihii la soo dhaafay ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Virginia ee dalka Mareykanka halkaas oo uu xalay ku dhintay.

Ehelada Marxuum ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay geerida ka timid alle ha u naxariiste Maxamed Cali Samar .

General Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay inuu ahaa 85 sano jir markii xalay uu ku geeriyooday dalka Mareykanka.