Daawo Ururka Aqoonyahanada Wena oo Shaley Ku Kulmey Magalada Muqdisho Si Ay Uga Qeyb Qaataan Dhismaha Cisbitaalka Deegaanka Awcusmaan ee Degmada Wanleweyn

0
34

Ururka aqoonyahanada Wena ee kasoo jeeda degmada wanleweyn ayaa shaley waxaa ay kulan ku yeesheen magalada muqdisho kulankaas oo ay kaga hadlayeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha cisbitaalka haweenka iyo dhalaanka ee laga hirgeliyey deegaanka Aw Cusmaan ee degmada wanleweyn.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa qaar ka tirsan maamulka gobolka shabeelaha hoose iyagoo sheegey iney haboon tahay in laga qeyb qaato wax walboo bulshada faaiido u keenaya sida cisbitaal , iskool iyo bixii la maid ah.

Gabagabadii kulanka ayaa ururka waxaa ay isa saareen dhaqaale kaasoo ar maalmaaha soo socda ku wareejin doonaan masuulitiinta gacanta ku haya dhismaha cisbitaalka dhalaanka iyo haweenka ee deegaanka aw cusmaan.

wana3 (2)

wana3 (1)

 

wana1 (2)

wana1 (1)