Daawo Sawirada Qasaaraha uu Geystey Dabkii Xaley Ka Dhacay Degmada Afgooye

0
44

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in kooxo hubeesan oon heebtooda la aqoon ay xalay Degmada Afgooye Qoriyga Baasuukaha loo yaqaano ku dhufteen gaari xamuul siday oo taagnaa Suuqa Degmadaasi.

qasaarada dhabta ah ee ka dhashey qaraxaas ayaa la sheegayaa in ay isugu jiraan maal iyo naf ilaa iyo hada Inta la xaqiijiyay labo qof oo kala ahaa darawalka iyo kirishbooga gaarigaasi saarnaa waxaa kaloo halkaasi ku luntey hanti aad u badan maadaama ay baqaaradii ugu waaweynaa degmada ay gubteen.

Aminiga degmada afgooye ayaa beryahan dambe noqdey mid alow sahal ah kadib kolkii ciidamo xad dhaaf ah ay maalin walba kusoo qulqulayaan gudaha degmada ayagoon la garaneyn sababta keentey in ciidan intaa la eg uu ku sugnaado degmada.

[slideshow_deploy id=’25509′]