Aqriso:-Qodobada Kasoo Baxay Kulan Ay Ku Midoobeen Qowmiyadaha Banaadiri, Baraawe, iyo Bantu

0
205

baraaweShir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano, siyaasiyiin, culumaa’udiin, indheer-garad iyo haween kasoo jeeda seddexdan qowmiyadood ee kala ah Banaadiri, Baraawe, iyo Bantu ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Columbus, Ohio.

Shirkaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa durbaba soo dhaweeyeen iyo taageero baaxad leh ka helay mas’uuliyiin ka tirsan dawlada mareykanka gaar ahaan Senatoro iyo madax kale oo fara badan kana tirsan aqalada hoose iyo sare ee dawlada mareykanka.

Isbaheysiga Banaadiriga, Baraawe, iyo Bantu oo ah dadka asal ahaan ayagu leh deegaan-weynaha laga billaabo magaalada Muqdisho illaa Raskam-booni ayagoo ka anba-qaadaya mabaadi’da kor ku xusan waxay wadar ahaan heshiis ku qaateen qodobbada soo socda:

1. In Qowmiyadahan ay meel ugu soo wada-jeestaan sidii ay xaquuqdooda iyo deegaanada ka maqan u soo dhacsan lahaayeen iyadoo la raacayo sida sharciga waafaqsan.

2. Isbaheysiga waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan danahooda guud sida xagga siyaasada guud, wax wada qabsiga, iyo derdergelinta hawlaha gudaha iyo dibada.

3. Isbaheysigaan waxay ku heshiiyeen ujeedada saldhiga u ah daladaan oo ah inay yeeshan gole dhexe oo isla jaan-qaadi kara, isla markaana iskaashi iyo wada-shaqeyn joogta ah u yeeshan, hab iyo hanaan fiicana oo haga loo dejiyo.

4. Isbaheysiga waxay isku raaceen in midnimadooda ilaaliyaan oo wixii tafaraaruq keenaya si wadajir ah uga hortagaan.

5. Isbaheysigu waxaa uu soo dhaweynayaa beel alla beeshii dulmidiid ah oo dooneysa inay kusoo biirto dalladan si loo gaaro ujeeddooyinkan ka Hor-tagga Cadaalad-darrada, Sinnaan la’aanta tacadiga musuqa iyo kala qeybinta beelaha, quursiga iyo qabyaalada.

Isbaheysigu wuxuu si wadajir ah u ogalaaday una saxiixay qodobada kor ku xusan. Waxay kaloo abaal-marin guddoonsiiyeen rug cadaaga siyaasiga weyn Danjire Mohamed Mukhtar Beley doorkii uu ka cayaaray mideynta iyo isku keenista qowmiyadahaan BBB ee ku nool North America kuna midoobay dalada.