Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Mareykanka oo qaadacay Xaflad Safiirka Somalia ee Mareykanka ku lahaa Magaalada Minneapolis.

0
41

cawad1Xaflad qaab beeleed loo soo agaasimey isla markaasna ay horboodayeen jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee dalka Mareykanka laguna soo dhoweynaayey safiirka cusub ee Somalia ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad oo heyb dhow la ah madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Taabit oo ah wiil uu sodog u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu qabtay Hotel Ramada oo ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota Maalintii Sabtida.

Xaflad oo loogu magac darey dabaaldega dib u furida safaarada Soomaaliya oo muddo 24 sano xirneyd ayaa abaabulkeeda iyo qaabka ay dhacdey laga dheehan karey is-xulafaysi siyaasadeed oo ku dhisan qabiil iyo mid maamul goboleedyo oo salka ku haaya dagaalka siyaasadeed ee xiligaan kala guurka.

Beelaha Dirifle & Mirifle oo qaadacey ka qeybgalka xaflada Minneapolis ka dhacdey ayaa sheegay sababta ay banaanka isaga istaageen ku sheegay in xafladu aheyd mid dad gaar ah ay soo abaabuleen dano gaar ahna laga lahaa, isla markaasna dadka Soomaliyeed aysan u madaxbanaaneyn ka qeybgalkeeda. Safiir Axmed Ciise Cawadna uu si hoose xiriir ula soo sameynaayey Jaaliyada Puntland kuwaasoo  oo isagu ka so jeedo, hase ahaate ay Puntland iyo Jubaland ay ka dhaadhiciyeen in ay Washigton yimaadaan xaflada ka dib si howlo badan ay u wada furdaamiyaan.

Maamulada Jubbaland & Puntland ayaa iyagu ah 2da maamul ee sida gaarka ah u doonaaya in meesha laga saaro jirintaanka maamul adag oo ay  yeeshaan dadka  iyo deegaanaada ay ku nool yihiin Digil & Mirifle ee Koonfur Galbeed Somalia. duulaankii ugu dambeeyey ee Ceelbarde iyo aqoonsiga Puntland uu cadeyn muuqata u ah ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Waxay beelaha Digil iyo Mirifle iyo guud ahaan jaaliyada ku abtirsada Koonfur Galbeed ee ku nool North America ugu digeen Safiirka Somalia ee Mareykanka Axmed ciise Cawad in xilka qaran ee loo ikmadey u guto si waafaqsan sharuucda dalka.

Waxay dowlada ugu baaqeen in ay wax si degdeg ah wax uga qabato kala qeybinta jaaliyada Soomaalida ee dalka Mareykanka ee Safaaradu la timid gobolka, haddiisa aan wax laga qaban shaqo xumida soo waajahday safaaradda Somalia ku leedahay Washington in waxa laga dhaxli doono ay safaaraddu wakhti aan fogeyn albaabadu loo laabo iyadoo hab sharci ah jaaliyadu u mareyso.

Xafiiska Warqadka Daafeet Media.