Beeluhu sidee ayay u kala heleen Xildhibaanada BKGS?

1
105

gtgtgGuud ahaan waxaa magaalada Baydhabo caasimada KMG ah ee maamulka KoonfurGalbeed maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay soo xulistii xildhibaano uu yeesho maamulka.

Qaybtii labaad isla markaana ahayd qaybtii ugu danbaysay ee shalay Baydhabo lagu soo bandhigay laguna dhaariyay ayaa waxay Baarlamaanka KoonfurGalbeed tiradiisu ka dhigaysaa 145 Xildhibaan.

Tirada guud ee Baarlamaanka KoonfurGalbeed ayaa waxay ka turjumaysaa tirada dadka kunool gobolada sedexda ah ee Baay,Shabeelaha hoose iyo Bakool sidaa si lamid ahna waxay sedexdan gobol yihiin kuwa ku nool sedex dhig dhig ahaan kolka dadka Jamhuuriyada Soomaaliya ku nool la tira koobay.

Tira badnida dadka kunool gobolka ayaa waxaa loo sababinaayaa tirada Baarlamaanka oo noqotay tii ugu badnayd kolka loo eego Baarlamaanada hada maamulada hada jira waxayna beeluhu u kala heleen sida tan Beelaha Daarood ee dega gudaha maamulka KoonfurGalbeed ayaa helay ilaa iyo 4 Xildhibaan halka beesha Shanaadna ay heleen 8 Xildhibaan sidoo kalena beesha Direed waxay heshay 14 Xildhibaan iyadoo beesha Hawiyana heshay 18 Xildhibaan halka Beelaha Digil iyo Miriflana ay heleen 101 Xildhibaan taasi oo tirada guud ee Baarlamaanka ka dhigaysa 145 Xildhibaan.

Waxaana maalmaha soo socda la filayaa inay Doortaan Gudoomiye iyo labo ku xigeen,Sidaasina waxaa ku dhamaystirmi doono maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya.

1 COMMENT

Comments are closed.