Kenya oo Sheegtey Ineysan Somaliya Ka Bixi Doonin

0
35

kenyTaliyaha Ciidamada Millateriga Dalka Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ay Somalia sii joogi doonaan, isgaoo intaa ku daray inay ka tirsan yihiin AMISOM ayna sii wadi doonaan howgallada dhanka ka ah Al-shabaab.

Jen. Mwathethe ayaa sheegay in dagaalka ciidamadoodu kula jiraan Al-shabaab ee Somalia ay sii wadayaan illaa xuduudaha dalkooda uu la wadaago Somalia ay ka noqonayaan kuwo ammaan ah.

Wareysi uu taliyuhu siinayay telefishinka NTV ee Kenya, isagoo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada ku sugan ayuu sheegay in Al-shabaab ay tahay sidii abeeso ballaaran oo kale, ayna tahay in la cirib-tiro.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka Kenya inay si dhow ciidamada millateriga ula shaqeeyaan, ayna sheegaan cid walba ku dhex-dhuumanaysa, si ay ciidamadu gacanta ugu soo dhigaan.