War Deg Deg ah Qarax Goor Dhaweyd ka Dhacay Wadada Maka-Almukarama

0
28

breaking-nQarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay gaari waddada dhinaceeda la dhigay, iyadoo wararku intaas ku darayaa inay jiraan dad badan oo rayid ah ay waxyeello kazoo gaartay qaraxaan.

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu dhaawac kasoo gaarey gudoomiyaha gobolka galgaduud waxaana lagu soo waramayaa in dhaawaciisa loola cararey cisbitaalka si halkaasi loogu dhabiibo.