Taliyaha Nabadsugida Dowlada Federalka oo Dhaliyarada Qurbaha Timada Ku Eedeeyey Qaraxyada Ka Dhaca Muqdisho

0
23

turyareTaliyaha nabad-sugidda iyo Sir-doonka Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay in dhallinyarada isku qarxiya Somalia ay intooda badan ka yimaadeen dalalka dibadda ama qurbaha.

Sidoo kale, Jen. Tuur-yare ayaa ku baaqay in laga hortago dhallinyarada lacagaha u soo dira Al-shabaab iyo kuwa ku guubaabinaya inay Somalia yimaadaan oo Al-shabaab ay ku biiraan, kaddibna is-qarxiyaan.

Taliyaha Nabadsugidda Qaranka ayaa hadalkiisa ku daray in dhallinyarada aanan lagu qaldin baraha ay bulshadu isticmaasho, si looga hortago in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu boorriyo inay argagaxisada ku biiraan.

“Al-shabaab waa tabar-darreysay, dagaalkoodana wuxuu kusoo haray gaari is-qarxinaya iyo qof is-qarxinaya, illaa intee ayay sii wadi karaan ayayna tahay is-weydiinta, ma sii wadi karaan waligood, mise maya?” ayuu is-weydiiyay Jen. Tuur-yare.